Weerar ku billowday qarax ismiidaamin ah oo ka socdo KISMAAYO

Reading Time: < 1 minute

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ku billowday qaraxyo oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta ee xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Weerarka ayaa waxa lagu soo warramayaa in lagu qaaday mid ka mid ah hoteel Tawakal ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay inoo sheegay in weerarka loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana kadib hoteelka gudaha u galay rah hubeysan.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana la soo warinayaa in weli rasaas xoogan laga maqlayo magaalada.