Weerar ka dhacay Magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo

Reading Time: < 1 minute
Inta lahubo Afar qof oo shacaba ayaa ku dhaawacmay Bambo gacmeed lagu tuuray Ciidamada ka tirsan kuwa dowlada oo ku sugan Magaalada Garbahaareey ee gobolka gedo.

Dadka dhaawacmay ayaa la geeyey Isbitaalka Magaaladaasi oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Kooxdii weerarka gaysatay ayaa ka cararay goobta, waxaana xiliga uu weerarku dhacay kasocotay maxkamada dhegaysiga dacwado dad shacab ah.

Ciidamada Amaanka ayaa goobta uu qaruxu ka dhacay gaaray waxayna wadaan baari taano la xiriira qaabka uu u dhacay Qaruxu.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!