Weerar ka dhacay Gobolka Sool

Reading Time: < 1 minute

Sidda ay xaqiijiyeen xubno ku sugan Magaalada Laascaanood Dabley hubaysan ayaa xalay weerar ku qaaday Taliska Qaybta guud ee Booliska Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Maleeshiyo hubeysan ayaa weerar ku qaaday Saldhiga, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana la sheegay in Kooxda weerarka qaaday ay kasoo horjeedaan Somaliland.

Ciidamadii joogay xaruntaasi, ayaa la sheegay inay iska caabiyeen dableyda weerarka ku soo qaaday, iyadoo illaa hadda aanan la ogeyn Khasaaraha rasmiga ah ee dhimashada ama dhaawaca ah ee weerarkaasi ka dhashay.

Saraakiisha ammaanka Magaalada Laascaanood wali kama aysan hadlin wixii xalay ka dhacay Magaaladaasi, balse waxa dadka ayaa si wayn u hadal hayo arrintaan.

Magaalada Laascaanood ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa Khalalaase ku aadan Shacab kasoo horjeedda Somaliland oo taageersan Puntland.