Weerar ka dhacay degmada Baraawe

Reading Time: < 1 minute

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday bambo gacmeed oo xalay lagu weeraray Hoyga ee Magaaladaasi uu ka degan yahay Gudoomiyihii hore ee degmada Baraawe. Waxaa ay faah faahino kasoo baxayaan Koox hubeysan oo xalay weerar ku qaaday Hoyga uu Degmada Baraawe uu ka degan yahay Gudoomiyihii hore ee degmadaas.

Kooxda hubeysan ayaa la sheegay in weerarka ay beegsadeen guriga gudoomiyaha, iyadoo markii dambe ay Ciidanka ilaalada ka hayay Guddoomiyaha ay rasaas ku fureen. Gudoomiyaha la weeraray oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray weerarka isaga iyo sidoo kale, ciidankii ilaalada ka hayay.

Howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka Magaalada ayaa ka socda Baraawe Xilli dhawaan lagu waddo in lagu qabto doorashada golaha Shacabka.