Weerar culus oo ka socdo gudaha xerada Xalane, saldhigga Amisom

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan Warar naga soo gaaray Muqdisho ayaa sheegaya in weerar culus uu ka socdo gudaha xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ciidamada Amisom ay ku leeyihiin dalka, kaasoo kaabiga ku haya garoonka Adan Cadde.

Sida ayaa intaa ku daraya in dagaal yahano Shabaab ah oo si Ifantari ah u socda (lugeynaya) ayaa mar kaliya weerar ku galay xerada aadka loo ilaaliyo, waxaana la maqlayaa rasaas xooggan.

Si dhab ah looma oga sida kooxdan ay halkaasi ku gaartay, maadaama ay ka soo tilaabeen dhowr bar kontrol oo ciidanka NISA ay ku hubiyaan gaadiidka galaya dhinaca Xalane, warar kale waxey sheegayan in kooxda hore ay aagaasi ugu diyaarsanaayeen oo ay Amisom ugu daateen xeryohooda.

3 Nin oo Hubeysan ayaa ka dhex Dagaalamaya Xarunta Eeyaha Wax lagu baaro oo ku dhegen Xafiiska Toyota ee SKA waxaana ay dhaawaceen Taliye Xigeenka Ciidanka booliiska

Dhanka kale, kooxda Shabaab war ay goordhow soo saartay waxey sheegtay in dagaal yahanadooda ay gudaha Xerada ugu weyn Amisom dagaalamayaan, lama oga xaalka xiligan iyo xadiga khasaaraha.