Weerar culus oo sababay Khasaara kalduwan oo Muqdisho kadhacay

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah aya kasoo baxaya Nin shacab ah saakay oo lagu qaaday weerar loo adeegsaday agabyo kala duwan oo sababi kara in qofka uu dhaawac soo gaaro ama uu dhinto sida Toorey, Faas iyo agabyo, kaasi oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, isla markaana waxaa Ninkaas ku qaaday qoys uu gabar ka guursaday.

Xiliga uu weerarka dhacayay Ninka ayaa waxaa uu ku sugnaa garaash gaadiidka lagu sameeyo  oo ku yaalla Isgoyska Fagax, isla markaana Ninka waxaa soo gaaray dhaawacyo Culus, kadib markii lagu dhuftay Toorey.

Ciidamo Boolis ah oo ka Agdhawaa goobta uu weerarka ka dhacay ayaa tegay halkaas, iyagoona qoyskaas ka badbaadiyay inay dilaanka Ninkii gabadha ka guursaday.

Saraakiil ka tirsan Booliiska degmada Yaaqshiid iyo maamulka degmada ayaa sheegay in falkaan uu ka dhacay Isgoyska Fagax, isla markaana ay wadaan baaritaano kala duwan.