Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi uu ka dhacay weerar xoogan.
Weerarkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Hantiwanaag,isla markaana ay fuliyeen Ciidamo isugu jira Soomaali iyo kuwa Mareykan ah.
Dadka deegaanka Hantiwanaag ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in xalay saqdii dhexe hawada sare ee deegaankaasi ay ku arkayeen Diyaarado dagaal,kuwaasi oo daadinaya Ciidamo Ajaanib ah,waxaana weerarka uu ahaa xoogan mid oo la isku adeegsaday hubka noocaydiisa kala duwan.
Sidoo kale waxa ay tilmaameen in duleedka Hantiwanaag lagu arkayay Ciidamo dhex lugeynaya,iyagoo aad u hubeysan,waxaana deegaankaasi gacanta ku haaya Dagaalamayaasha Al-shabaab.
Ilaa iyo hada lama og Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarkii ka dhacay deegaanka Hantiwanaag 11 KM u jira Degmada Jannaalle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.