Rag hubeysan oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa weerar waxa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin meel u dhow Magalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.
Saldhiga la weeraray oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmada Mandheera iyo deegaanka Carabiya ayaa la sheegay in uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyey Ciidamadii ku sugnaa ee kuwa Kenya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weeraray.
Askar ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in weerarkaas lagu dilay,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Al-Shabaab ay saldhigaas mudo saacado ah ay la wareegeen,sidoo kale markii dambe ay dib uga baxeen.
Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in saldhiga Ciidamada Kenya ee ku yaalla Meel u dhow Magalada Mandheera ay weerareen,isla markaana ay la wareegeen.
Sarakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari dalkaasi weli kama hadlin weerarka Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga ciidamadooda ku leeyihyiin inta u dhaxeysa Magaalada iyo deegaanka Carabiya.