Weerar caawa ka dhacay Boosaaso iyo xaalada oo kacsan

0

Wararka ka imaanaya magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubaysan ay caawa salaadii Makhrib kadib weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo ku sugnaa Barxada Weyn ee ku taala kasoo horjeedka xarunta shirkadda Golis ee magaaladaasi Bosaso.

Ciidamada la weeraray ayaa fadhiyey goob makhaayad ah oo ku taala Barxada weyn ee kasoo horjeeda xarunta shirkadda Isgaadhsiinta ee Golis, waxaana weerarkaas lagu dilay 2 askari halka labo kale ay ku dhaawacmeen.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Bosaso ayaa waxa ay sheegeen in ragii weerarka ka dambeeyey ay goobtaasi ka baxsadeen isla markaasna askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacmayba la geeyey cisbitaalka weyn ee magaalada Bosaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here