Wararka Ka imaanaya degaanka faxfaxdhuun oo 70 KM u jirta degmada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya qarax miino lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Kenya oo marayay degaanka Garileey.
Dadka Deegeenka ka ayaa Warbaahinta u Sheegay in qarax lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya oo marayay degaanka Garileey ee Gobalka Gedo.
Inta la xaqiijiyay labo askari ayaa ku dhintay , halka Afar kalana ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.
Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa lala beegsaday Kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya, iyagoona Sheegay in qaraxaasi ay ku dileen askar ka tirsan Ciidanka Kenya.
Ma jirto weli Wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Kenya kaasi oo ku aadan in ciidamo ka tirsan Kenya qarax lagula beegsaday Deegaanka Garileey ee Gobalka gedo.