Webiga Jubba oo fatahaad ka sameeyay Deegaanka Goobweyn

Reading Time: < 1 minute

Waxaa wali soo kordhaya fatahaada wabiyada Juba iyo Shabeelle ay ka gaysanayaan tuulooyinka ku yaala wabiga jiinkiisii, ayadoo haatanna ay soo baxayaan in ay jiraan tuulooyin ku dhow wabiga, oo xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku nool tuulooyinkaasi ay tahay mid halis sii galaysa hadii aanan la soo gaarin gurmad baaxad leh.

Wararka laga helayo deegaanka  Goobweyn ayaa sheegaya in webiga Jubba uu halkaasi xalay fatahaad uu ka sameeyay sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka

Dad badan ayaa laga soo warimayaa in ay ka barakaceen deegaanka Goobweyn, iyadoona saameyn xoogan uu ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Sidoo kale fatahaada webiga Jubba ee deegaanka Goobweyn waxaa xaqiijiyay masuuliyiinta maamulka deegaankaasi