Waxgaradka Soomaaliyeed oo ka digay in Dalka Lagu Aamino R/wasaare Kheeyre Iyo Kooxdiisa

Reading Time: < 1 minute

Tan iyo markii lasoo Magacaabay R/wasaare Xassan Cali Kheeyre waxaa isi soo taraayay Baaqyo Culus oo loo jeedinaayay Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo kaasi oo la Xariira in uu si deg deg ah xilka uga qaado Kheeyre maadaama uu ku fashilan-yahay Arrimaha Loo Igmaday Ee Howshiisa ah.

Khaalid Ibraahim Cabdi oo ah Siyaasi Falanqeeya arrimaha Amnigga Iyo dhaqaallaha ayaa waxaa uu sheegay in R/wasaare Xassan cali kheeyre tan iyo markii la doortay uu lunsaday lacago gaaraya Malaayiin doolar taasi oo wax weeyn ka bedeli laheed dhaqalle darida jirta hadii uu ka baaqsan lahaa.

Wax laga xumaado ayuu ku tilmaamay in Hogaanka Xukumadda oo looga baahnaa in uu dardar geliyo Howlaha amnigga iyo dhaqaallaha in Malaayiin doolar uu jeebka ku shubto amnigii uu Beeylah ka dhigo

‘’waa wax aad looga naxo in Madaxdii dalka ay iyagu fakfakad u yihiin in ay dhacaan shacabka islamarkaana ay aruursadaan dhaqaallaha dalka iyagoo amniga aan sidoo kale wax ka qaban’’

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo  ayuu ka codsaday in uu Tixgeliyo Dalabaadka shacabka islamarkaana uu umadda hor-dhaafiyo R/wasaarre Xassan Cali Kheeyre Iyo Kooxda Qiyaano Qaran.