Waxgaradka iyo oday dhaqameedka Caabudwaaq iyo Xeraale oo diiday qorshaha Xasan Kheyre 

Reading Time: < 1 minute

Waxa isa soo taraya diidmada ay dadka ku dhaqan Galmudug ay ugu soo horjeesteen qorshaha qalafsan ee uu wato Xasan Kheyre. Iyada oo ay horay beelaha Habarrgedir u diideen in ay ka mid noqdaan qorshaha uu  Xasan Kheyre ku kala qaybinayo beelaha Galmudug ayaa hadana beelaha Mareexaan iyo Dir ay ka horyimaadaan qorshaha Xasan Kheyre.

Waxgaradka degmooyinka Caabud Waaq iyo Xeraale ayaa iska diiday dhammaan xubnaha Guddiga oo ay sheegeen in aysan matalin degaanada maamulka Galmudug. Waxgaradka waxa ay sheegeen in Ra’iisul Wasaare uu ka baxay balankii uu ka qaaday Markii uu booqday degaanada Waqooyiga gobolka Galgaduud.

War kasoo baxay Waxgaradka ayaa lagu sheegay in aysan ka mid noqon doonin maamulka Galmudug ee uu dhisaayo Ra’iisul Wasaare Kheyre, maadaama aysan ku qancin dadaallada dib u heshiisiinta ah.