Iyada oo colaaada siyaasadeed iyo mida ciidan ee u dhaxeeysa Puntland iyo dalka la magac baxday Somaliland ay cirka isku sii shareerayso ayaa shacabka Gobolka Sanaag wax ay eed dusha kala dhaceen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wax garadka iyo cuqaasha gobolka Sanaag oo ku shiray magaalada Baran ayaa dowladda Soomaaliya ku dhaliilay in ay ka aamusan tahay duulaanka ay gobolka ku soo qaadeen maamulka Soomalailand ee Soomaalidiidka ah.
Shirka ayaa looga tashayay aayaha gobolka iyo sidii ay dadku umidoobi lahaayeen,waxaana dhaliil loo jeediyay dowlada Feedraalka. Shacabka ayaa sheegay in dagaalka lagu hayo dadka deegaanka ay qayb ka tahay difaaca calanka Soomaaliya ilaa hadana waxa war ah kama hayno dowlada Federaalka.