Home News Waxgarad DFS uga digay Daandaansiga Muuse Suudi iyo Wararkii ugu dambeeyay

Waxgarad DFS uga digay Daandaansiga Muuse Suudi iyo Wararkii ugu dambeeyay

Reading Time: 2 minutes

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen inay sii xoogeysatay xiisada u dhaxeysa Senator Muuse Suudi Yalxow iyo Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Somaliya.

Arrintan ayaa ka dhalatay kadib amarkii uu bishii hore soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), kaas oo ahaa in laga guuro xeradii hore ee ciidanka Badda Somaliya oo ku taalla Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Wixii markaasi ka dambeeyay ayaa waxaa jirtay hadal heyn aheyd in ciidamo ka tirsan dowladda ay isku dayeen inay u tagaan Senator Muuse Suudi Yalxow oo ka mid ah masuuliyiinta halkaasi degan, bacdamaa uu ka dhego adeegay inuu xerada Mariino ka guuro.

Senator Muuse ayaa sheegay inuu ogol yahay inuu ka guuro dhulkaasi, balse aysan jirin cid kala hadashay wixii qarash ah ee ka galay halkaasi, maadaama uu dowladihii hore kala heshiiyay, dhismayaalna uu ka sameystay.

“Aniga dhulkaan hanti ayaa iga gashay, qof igala xaajooneysana ma lahan, wareegto soo baxday ayaan ka war helay, waan la noqonay ayaan ka war helay, marka waxaanba fahmi waayay dhanka ay hawshu u socoto”. ayuu yiri Sentor Muuse Suudi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yariisow ayaa arrintan mar fadhi aan natiijo ka soo bixin kala yeeshay Senator Muuse Suudi, kadib markii uu kulan siiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi.

Sidoo kale Waxgarad ka socday dhanka Oday Muuse ayaa habeen kahor kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), waxaanan si dhab ah loo ogeyn kulankaasi waxa ka soo baxay.

Nabadoon C/qaadir Maxamuud Maxamed oo ka mid ah Waxgaradka degan Degmada Kaaraan ayaa sheegay in guriga Senator Muuse Suudi ay yimaadeen ciidan ku heyb ah oo aanan kuwii hore aheyn, kuwaasi oo wata gaadiidka dagaalka, bacdamaa laga cabsi qabo in dowladda ay weeerarto Oday Muuse.

Xeradii hore ee ciidanka Badda Somaliya loona yaqaano Mariino ayaa waxaa degan Wasiiro, 15 Xildhibaan oo uu ku jiro Muuse Suudi, 7 General, Ganacsato iyo waliba dad kale oo caadi ah.

Dadka degan Degmada Kaaraan gaar ahaan aagga uu ku yaallo dhulkan la isku heysto ayaa muujinaya cabsi badan oo ku aadan in dagaal uu dhaco, maadaama ay sii xoogeysatay xiisada la xiriirta dhulkan la isku heysto, sidaasi darteedna ay waqti walba filan karaan dagaal

error: Sorry Lama ogola in aad daabacatid
%d bloggers like this: