Waxbadan ka ogoow qaabkii loo dilay Taliyahii Qeybta 12-ka April (SAWIRO)

Reading Time: < 1 minute

Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa qarax lagu dilay Taliyihii Qeybta 12 Apriil Cumar Aadan Dhabad (Cumar dheere)  iyo Abaanduullaha Qeybta 12April General Cabdi Cali Jamaame.

Saraakiishaan ayaa qaraxu qabsaday Gaari nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha oo ay saarnaayeen xilli ay marayeen meel u dhow deegaanka dhanaane oo ku yaalla Inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Marko markii la aado Wadada dhinaca Xeebta ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa lagu dilay Saraakiishaas iyo ilaaladooda ee ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.