Waxbadan ka ogoow heshiiska Shatiga kalluumeeysigga lagu siiyay Shirkad Shiinees ah (SAWIRO)

Reading Time: 2 minutes

Cabdillahi Bidhaan Warsame Wasiirka Kaluumaysiga Federaalka Soomaaliya  ayaa Shirkado laga leeyahay Shiinaha ku wareejiyey Shatiga Kaluumaysiga Biyaha Soomaaliya.

Shiinaha ayaa bixiyey Aduun gaaraya 10 milyan oo doolar taas badelkeeda waxaa 10 sano laga kireeyey Bada Soomaaliya iney ka kaluumaystaan iskaashatooyinka Kaluunka ee Shiinaha.

Heshiiskaan cusub ee Shiinaha looga kireeyey bada Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili aysan Soomaaliya aysan wax awooda u lahayn kantaroolida inta uu gaarsiisnaan karo Qaabka ay Shiinihi uga kaluumaysanayaan Soomaaliya, iyo inta Shirkadood oo shiina ah oo loo fasaxay iney quutaan biyaha Soomaaliya.

Inkastoo heshiiskan cusub uu dhigayo in Shiinuhu ay gurtaan oo qura Kaluunka nooca loo yaqaan Tuunada hadana Xukuumada Federaalka Soomaaliya ma laha awooda ay ku kantarooli karto Nooca kaluun ee Shiinuhu kala bixi doonaan Soomaaliya.