Waxaa maxay ujeedada ka danbeeysa safarka RW Kheyre ee Geneva? (xog rasmi ah)

Reading Time: 3 minutes

Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa waxa uu shalay u safray dalka Switzerland, gaar ahaan magaalada Geneva. Safarka uu Kheyre ku tagayo magaalada Geneva ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyada oo dalka iyo shacabka Soomaaliyeed  u taalo tacsi ka dib markii dad badan oo Soomaali ah ku dhinteen qarax lala beegsaday shacabka halka boqolaal kale iyaga oo dhaawaca ah wali yaalaan isbataalada magaalada Muqadishu.

Dhanka kale safarka ayaa waxaa sidoo kale uu ku soo adayaa iyada oo amaanka magaalada Muqadishu uu faraha ka sii baxayo. Magaalada Muqadishu  ayaa ah deegaanka kaliya ee ay sheegato  Dowlada Fedaraalka  in ay ka taliso. Hadada su’aasha isweydiinta u baahan  ayaa ah waa maxay muhiida uu Soomaaliya u leeyahay kulanta uu Kheyre uga qayb-galayo magalaada Geneva waqtigaan xasaasiga ah?.

Sida ay xaqiijisay MOL kulankaan ayaan wax dan Soomaaliyeed ah ayan ku jirin xiligaan hadda aanu ku jirno iyo kan mustaqbalaka. Kulankan waxaa soo qaban-qaabisay hay’ad ay si gaar u leedahay Xaaska Amiirkii hore ee dalka Qatar Shiikha Mozah bint Nasser.  Hay’adaan oo lagu magacaabo Silatech ayaan waxaa ay dowlada Qatar u isticmaashaan in ay ku fidiso danaheeda gaar ah iyada  ku qarinaysa siyaasado ka tarjumaya danaha dowlada Qatar.

RW Kheyre oo istcimaalayo magaca iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka codsaday Hay’adda SILATECH  in uu ka mid noqdo dadka kulankaas ka hadlayo. RW Kheyre oo damac ugu jiro in uu u tartamayo doorashada Madaxweynaha 2021 ayaa waxaa daneynaa in uu kaalmo gaar ah ka helo dalka Qatar isaga oo fulinayo dhamaan danaha ay ka leedahay Soomaaliya. Kheyre ayaa waxa uu codsaday in inta uu joogo shirka in uu kulan gaar ah  la qaato xaaska Amiirkii hore ee dalka Qatar Shiikha Mozah bint Nasser. Kulankaan ayaa ahaan doono mid ayan qayb ka noqon wasiiradiisa iyo wafdiga isaga la socda.

Dowlada Qatar ayaa waxa ay bixineysay dhamaan qarashka ku baxaya safarkiisa, hoteelkiisa iyo diyaaradaba iyo lacagta gacan qabsiga. Si loo qariyo ujeedada rasmoha ee uu tagayo Geneva ayaa Kheyre oo ah qof ku fiican khayaanada waxa uu codsaday in uu la kulmo madaxda hay’adda Xuquuqda bani’adamka ee loo yaqaan “UN Human Right Council”.  Ujeedadana waxa ay tahay in sawiradda laga soo qaado kulamadaas shacabka lagu indha sarcaadiyo.

Sidoo kale waxa uu kulamo qarsoon la qaadan doonaa shirkadaha Shidaalka gaar haan shirkada ENI iyo madaxda SOMA OIL iyada oo laga fakarayo in la yimaadaan Istraatijo cusub oo lagu dajinayo shacabka Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda xaraashka Badda iyo qaabkii loo taabagalin heshiis hoosaad lagu xalin lahaa Muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Farmaajo ayaa u muuqdo mid la go’doomiyay oo aan wax war u haynin qorshooyinka guracan ee RW Kheyre wato? Dowladnimadii ayaa loo rogay urur NGO oo lagu daneeysto?