Waxaa maxay sababta dowlada Maraykanka uga mamnuucday dalkeeda mas’uuliyiin  ka tirsan Xukuumada Kheyre?

Dowlada Maraykanka ayaa waxa ay dalkeeda ka mamnuucday mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Xassan Kheyre. Sida MOL loo xaqaajiyay 13 oo ka tirsan dowlada Farmaajo ayaa waxaa laga mamnucuday in ay tagaan dalka Maraykanka. Qaar ka mida mas’ulliyiintaas ayaa waxa lagaliyay waxa afka qalaad lagu yiraadho “no-fly-list” oo macnaheedu yahay in ayan diyaarad u raaci karin dalka maraykanka. Dadkaas ayaa sidoo kale waxa ka mamnuuc ah in ay racaan diyaarad dul mareyso dalka Maraykanka ama degaan ay joogaan ciidan Maraykan ah.

Safarkii ugu danbeeyay ee Xassan Kheyre uu ku tagay dalka Maraykanka bishii Abriil ayaa waxaa wafdisiisa ka mid ah dhow qof oo loo diiday ay u safraan dalka Maraykanka. Qaar ka mida dadkaan ayaa waxa ay ku jiraa “no-fly-list.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Xassan Cali Kheyre oo ay ku saxiixan tahay lataliyaha Sare ee Xassan Kheyre Samira Gayd ayaa looga codsaday safaarada Maraykanka in safaaradda Maraykanka ay VISA-ha u fududeeyso saraakiishaas laakiin  safaarada ayaa  u sheegtay  DFS in shaqsiyaadka loo diiday VISA- ay mamnuuc ka yihiin in  ay soo galaan dalka Maraykanka arimo la xiriira Amaanka.

Inkastoo liiska ka mamnuuca ka ah dalka Maraynka ee ka tirsan dowlada Farmaajo ay badan yihiin hadana safarkii ugu danbeeyay dakii VISA-loo diday waxaa ka mid ahaa:

Agaasime ku xigeenka NISA, Fahad  Yasin; Xildhibaan Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere); Wasiir K/X Axmed Cumar Islow; Madax Sirdoonka NISA, Zakariye Ismaaciil.

Dhamaan shaqsiyaadkaan ayaa waxa ay si toos ah si dadban ugu jireen kooxaha Argagaxisada, iyada oo laga hayo ceeydmo iyo codad laga duubay. Qaarkood ayaa ku eedeysan in ay dileen dad shacab ah halka qaar kale ay iyaga oo da’yar ay ka soo qabteen Jagooyin kala duwan kooxda Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here