Waxaa sii kordhaya Beegsiga Madaxda Sare ee Puntland iyo Taliye ku xigeen Gallkayo lagu Toogtay

Reading Time: < 1 minute

Koox hubaysan ayaa xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dishay Maxamed Faarax oo ahaa Taliye ku-xigeenkii ciidamada ilaalada wadooyinka ee Puntland.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka loo geystay taliyaha.

Koox bistoolado ku hubaysan ayaa dishay taliye Maxamed Faarax, waxaana u suura gashay in dilka kasib ay goobta is kaga baxsadaan.

Ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta magaalada Gaalkacyo iyo Booliska gaarka ah ee Puntland ayaa baaritaano ka dhan ah ragii dilka geystay ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!