Waxaa lagu wadaa in magaalada Jabuuti maalinta berri ah ay ku kulmaan MW Farmaajo & MW Muuse Biixi sidii aan horey idiinku soo sheegnay. Haddaba MOL oo waday baaritaan la xiriira arrinka ayaan ku ogaanay in ujeedka kulanka ay sid wadajir ah uga shaqeeyeen RW Itoobiya Abiye Axmed & MW Farmaajo waxaana saldhig u ah kulanka lagu wado in uu maalinta berrita ka ha bilowday magaalada Jabuuti qodobada hoos ku qoran.
- Waxaa bishii Febraayo ee sanadkan ay ururka Midowga Yurub ka codsadeen Dowladda Soomaaliya in ay ogolaato mashaariic ay rabaan in ay ka hirgeliyaan Somaliland, waxaana hirgelinta mashaariicdaas saxiixi kara oo kaliya dowladda Somalia. Haddaba si ay taasi u dhacdo waxaa markii ugu horreeysay arrinta uu RW Itoobiya kula taliyay walaalkiis Farmaajo in aanu saxiixin balse uu qasab uga dhigo Midowga Yurub in ay Somaliland ogolaato in wadahadalada Somalia / Somaliland ay garwadeen ka noqoto Itoobiya.
- Waxaa xigay sida aad la wada socotaan in Muse Biixi looga yeeray Addis Ababa bishii Febraayo halkaas oo muddo kooban RW Itoobiya isugu keenay walaalkiis Farmaajo & Muuse Biixi, waxaana la rumeysan yahay in halkaas lagu heshiiyay in Farmaajo & Abiye Axmed ay booqasho ku tagaan magaalada Hargeysa, balse markii danbe ay ka biyo diideen mucaaradka Somaliland taasoo markii danbana uu Biixi ka laabtay ballan qaadkaas.
- Ka laabashada uu Biixi ka laabtay ballantii uu qaaday ayaa keentay in Itoobiya & Somaliland uu soo kala dhex galo mugdi siyaasadeed, waxaana hadda la soo gaaray xilligii ay ahayd in la saxiixo mashaariicdii Midowga Yurub ee Somaliland.
- Farmaajo ayaa markale ku qasbay Midowga Yurub in ay ka keenaan Somaliland in ay dib u furayaan wadahadaladii Somalia/Somaliland, taa bedelkeedana marka heshiis laga gaaro qodobo dhowr ah uu saxiixi doono, waxaana Midowga Yurub uu arrinta u wakiishay MW Ismaaciil Cumar Geelle oo garwadeen ka noqon doona heshiiska.
- Waxaa sidoo kale uu MW Farmaajo ka biyo diiday heshiiskii Puntland & Jubbaland ay la galeen AFRICOM si ay xeryo ciidan uga sameystaan Magaalooyinka Kismaayo & Boosaaso, wuxuuna si cad ugu sheegay Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto in sida kaliya uu ku saxiixayo in ciidanka Mareykanka ay xeryo ciidan ka sameystaan Boosaaso & Kismaayo ay tahay in ay ku qasbaan in Somaliland ay soo fariisato miiska wadahadalada ka hor bisha Luulyo sanadka 2020.
Maxaa laga filan karaa in ay ka soo baxaan shirka Jabuuti?
Waxaa kaliya oo la hubo in uu ka soo bixi doono shirka Jabuuti ee Somalia & Somaliland ay tahay, in laga dhameysto saxiixa laga rabo Farmaajo ee mashaariicda EU & Xeryaha ciidanka ee AFRICOM, waxaana hubaal ah bil ama laba bil kaddib in Farmaajo guusha yar ee sheegan doono in uu ka gaaray wadahadalada Somalia/Somaliland ay noqon doonaan kuwa uu eedo, waayo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta reer Galbeedka oo la hadlay MOL ayaa noo sheegay “Waxaan ognahay in uu Farmaajo ka wada dagaal sokeeye Jubbaland, in uu hubeynayo qabaa’ilo deggen Puntland, in uu xasarado dagaal ka wado magaalada Muqdisho, waxaana hubaal ah in haddii maalin muddada loo kordhiyo in Somalia uu ka dhici doono dagaal sokeeye” Ayuu sheegay diblomaasigan oo diiday in aan sheegno magaciisa.
Waxaa taas oo kale baraha bulshada ku shaaciyay Danjirihii hore ee dalka Mareykanka u fadhiyay Somalia Stephen Schwartz. kaasoo sheegay Hanaankan aragtida gaaban ee fashilka ah, wuxuu xasillooni darro ku keenay inta badan dalka, wuxuuna kasii daray xiisadaha caalamiga ah, isaga oo wiiqay dadaalkii lagula dagaalayey Al-Shabaab,“