Wax Garadka Soomaaliyeed oo Madaxweyne Farmaajo ku Edeeyay in Dalku uu u horseedayo Burbur An Laga So kaban

Reading Time: < 1 minute

Aqoon yahanada iyo Wax garadka Soomaaliyeed aya Madaxweyne Farmaajo ku Dhaliilay Garab is taaga uu u sameeyay Xukuumada Soomaaliya ee uu kheeyre hor kaco iyado Xukuumadu ay ka soo horjeedo Golaha Shacabka Gudoonkooda.

Aqoon yahan Muqtaar Maxamed Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee falanqeeya Siyaasada aya aminsan in Madaxweyne Farmaajo uu baal maray Dastuurka iyo Masuuliyada uu u haayo Umada Soomaaliyeed Maadama uu Khilaafka Golaha Shacabka iyo Xukuumada uu cadeeyay in Xukuumada uu taageer san yahay Mooshinka ay wado.

Dr Muqtaar aya sheegay in Xaalad la mid ah Xaalada Dalka uu hada ku jiro ay horay u soo mareen Dalka si Xilkasnimo ahana ay kaga gudbeen Madaxdii Xiligaasi Dalka ka arimineysay.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay Doorka uu ka ciyaaray Khilaafka Golaha Shacabka iyo Xukuumada”Farmaajo uma muuqdo mid xariif ku ah siyaasada iyo Maamulka,waxa uu u muuqda Wiil yar oo hada baranaya Jaamacad oo Macalinkisu u so diray Ciwan in uu soo baaro,Waayo wuuxu in muda ah raadinayay qaab uu u xaliyo,Xalkiisana waxa uu noqday Gudoomiye Jawaari is Casil oo muxu isku casilaa,away qolyihii Gardarada laha ee bilaabay foodada iyo Mooshinka,marka madooneyno Hogaan siyaasada iyo Maamulka Dowladnimo an waxba ka aqoon,waxa uu Dalku u horsedaya hadaan laga qaban Burbur an weligeed laga soo kaban doonin “

Madaxweyne Farmaajo aya cadeystay in uu hogaanka kooxda Qas wadayaasha Golaha Shcabka ku jiro waxa uuna doonaya in afduubtaan Golaha Shacabka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!