Wax garadka ka so jeeda deeganada Maamulka Jubbaland aya caro ka muujiyay go’aanki dhawan kaso baxay Baarlamanka Maamulkasi.
Ugaas Maxamed Weli Sheekh Axmed Nuur oo ka warbixinayay go’aan ka soo baxay Baarlamaanka Jubbaland oo ku aadanaa in meel ka baxsan magaalada Kismaayo aysan ku shiri karin Xildhibaanada maamulkaasi ayaa arrintaasi ku eedeeyay in uu ka dambeeyo madaxweyne Axmed Madoobe.
Waxaana uu tilmaamay in qorshahan uu uga gol leeyahay madaxweynaha Jubbaland in uu ka caburiyo Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi.
Sidoo kale Ugaas Maxamed Weli Sheekh Axmed Nuur ayaa xusay in dhibaatada ka jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay ka tashadeen siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanad Jubbaland.
Waxaana uu ugu damebeyn shaaca ka qaaday in ay iska hor wareejin doonaan madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo uu sheegay in laga tirsanayo xilligani cadaalad daaro baahsan.