Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo galabta ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Madaxweynaha ayaa maanta waxa uu magaalada Pretoria kaga qeyb galayaa caleema saarka Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa.
Farmaajo inta uu ku suganyahay dalkaasi kulamo xog-wareysi ah ayuu la yeelan doonaa jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika.