Wax-badan ka ogoow sababta uu u baaqday Maanta kulankii golaha shacabka

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta mar kale baaqday kullanka xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ay ku lahaayeen xarunta Baarlamaanka,waxaana la sheegayaa in weli gudoonka Baarlamaanka uu ku mashquulsanyahay xal u helida khilaafka ka dhasahay kala diristii guddiga Maaliyada ee Golaha.

Ilaa iyo haatan gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ma aysan ka hadal sababta uu kullankaasi u baaqday waxaase jira warar sheegaya in gudoonka golaha gaar ahaan gudoomiye Mursal uu kullamo la yeelanaayay guddiga maaliyada.

Warar kale oo MOL ay heleyso ayaa tibaaxaya in gudoonka baarlamaanka Soomaaliya uu ku mashquulsanyahay doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo faragelinta la sheegay in ay Dowladda Dhexe ku heyso, waxaana maanta oo ugu dambeysay Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan uu kullan kula qaatay xafiiskiisa safiirka UK ee Soomaaliya David Cancar waxa  uuna kala hadlay arrimo quseeya doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayuu sidaan oo kale u baaqday kulanka golaha shacabka

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!