Tan iyo markii xalay Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ay shirka Saddex geesoodka ah ku wada yeesheen Madaxda Maamulada,Puntland,Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa kulankaas ka dhashay Su’aalo dhowr ah.
Kulanka oo geba-gabadiisa ay Warmurtiyeed kasoo saaareen ayaa waxaa ugu mumhiimsanaa saddexdaan qodob oo kalea ah.
1: Dhameystirka ka shaqeynta arrimaha federaaleynta Soomaaliya.
3: Saddexda Maamul waxay yeelanayaan iskaashi ballaaran.
3: .Saddexda maamul waxay iskaashi ka yeelanayaan dhanka amniga iyo isweydaarsiga xogaha amniga.
Su’aalaha ugu badan ee kulankaasi la iska weeydiinayay ayaa waxaa ka mid ahaa waxa keenay Shirkaan isbaheysiga ah, iyada oo weli uu jira khilaafka Madaxda Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada.
Waxa laga filan karo Isbaheysiga ay sameynsayaan Saddexdaasi Maamul goboleed oo ay banaanka ka joogaan Madaxweynayaasha Maamulada, Jubbaland iyo Galmudug oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka.
Madaxweynayaasha koonfur Galbeed iyo hir-Shabeelle ayaa loo xagliyaa dhinaca dowladda Federaalka,hayeeshee waxaa shakiga badan abuuray Madaxweynaha puntland oo jiray dhinaca Galmudug iyo jubbaland,balse aad moodo in uu usoo weecday dhinaca kale.
Hadaba Siyaasiga Daahir Muuse Ciro oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaliyeed marna soo noqday Xildhibaan federaal ah ayaa qaba in shirkaas hadii aysan qeyb ka aheyn madax ka socota dowladda federaalka aan loo xaglin karin in Madaxda shirtay kuwo taageero u muujinaya dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta faraha badan ee su’aalaha ka keenay Shirkii Madaxda Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo hir-Shabeelle ku yeesheen Magalada Garoowe.
Dad badan ayaa aaminsan in Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland ay dhabarka ka toogteen Madaxda Saddexda Maamul oo kale walow weli mowqif cad aysan qaadan Maamulada Puntland,Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.