Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil oo la hadlay Laanta Af-soomaaligga Ee VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in xil ka qaadistii lagu sameeyay Gudoomiyahii Golaha shacabka ay ka dambeeysay xukumaddu taasna ay tahay arrin la wada ogsoon yahay islamarkaana aan qarsooneeyn.
Waqtigii ay socotay Ololaha Mooshinka xilka looga qaaday Gudoomiyahii Golaha Shacabka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari waxaa la rumeeysanaa in Mooshinka lagasoo maalgaliyay Villa Soomaaliya,Hase’yeeshee waxaa naadir aheed in wasiir ka tirsan xukumadda R/wasaare Xassan Cali Kheeyre ku dhiirado ka hadlida arinkaani.
C/raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya waxaa uu si weeyn ugu nuux-nuuxsaday waxyaabaha sababay in Mooshinkaasi la abaabulo islamarkaana meesha laga saaro Gudoomiye Jawaari.
Asigoo Hadlaya ayuu Yiri’‘Waxaaa la Hubaa in mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiye Jawaari Xafiiska R/wasaaraha Lagasoo abaabulay waaana cadeed oo ma aheeyn wax qarsanaa”
R/wasaare Kheeyre ayaa Maalmahii dambe Qorsheeynaayay in uu xil ka qaadis ku sameeyo wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya C/raxmaan xoosh Jabriil taasi oo loo fasiran karo in Warkaasi uu soo shaac bixi rabo taasna Xoosh ku qasabtay in uu xaqiiqda ka hadlo