Wasiiru Dowladaha Arimaha Africa ee Sacuudiga oo beri Muqdisho imaanayo! Maxaa is badalay? (Warbixin)

Reading Time: 2 minutes

Wasiiru Dowladaha Arimaha Africa ee Boqortooyada Sacuudi Careebiya Ahmad bin Abdulaziz Qattan ayaa berito ku soo beegan magaalada Muqadishu. Safarkaan ayaa la sheegayaa in uu la xiriiro xaaladda siyaasadeed ee Geeska Africa.

Madaxweyne Farmaajo oo dhaqaale dari ba’an la soo daristay cabsi weyne ka qaba in mudaharaadyo lagu qaado ayaa waxa ka muuqata rabitaan uu doonayo in dib xiriirka ula soo ceshado isbaheysiga Sacuudiga.. Laakiin ma leeyahay geesinimo uu go’aan ku qaato?

Sida ka muuqata isbadalka ku yimid Geeska iyo Bariga Afrika, Xulufada Sacuudiga ayaa  ku guuleysteen in ay hantiyaan Baddda Cas iyo nawaaxiga Geeska Afrika. Madaxda cusub ee dhawaan la wareegtay hogaanka dalka Suudaan ayaa cadeeystay in ay si buuxda u taageersan yihiin xulufada Sacuuga iyo Imaaraadka. Maalintii shalay ahayd ayaa Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Qatar loo diiday in diyaaradiisa ay ka soo degto garoonka diyaaradaha Khartum.

Hadaba Farmaajo ma laga yabaa in uu waji cusub la yimaado  si toosana ula safto Xulufada Sacuudiga. Dhanka kale Dowlada Qatar oo dalka Soomaaliya ku heysato awood siyaasadeed oo ku dhisan musuqmaasuq iyo wakiilkeeda gaar ah Fahad yasin maxay talaabo ah ay qaadi doontaa?.

Farmaajo oo aan lahayn aragti fog iyo geesinimo uu ku qaato go’aan adag  ayaa keeni doonto in uu markale uu lumiyo fursad cusub oo  soo martay Soomaaliya. Dib u soo noolaynta xiriirka xulufadda Sacuudiga waxa uu albaabka ka saarayaa Milkiilaha Dowlada Farmaajo Fahad Yasin? Farmaajo ma lahan doonaa geesinimo oo ku ceyriyo kaankaraha ku jira Siyaasada Somaalia?.

Dhanka kale Dowlada Eritereeya ayaa waxa ay kuu qancisay Farmaajo in uu siyaasaddiisa laab lakacaga ah joojiyo oo uu si toosa ugu biiro xulufadda Sacuudiga iyo Imaaraadka. Sida la sheegayo Madaxweynaha Eritereeya ayaa quus ka taagan Farmaajo ka dib markii uu marar badan balamo uga baxay isaga oo marka hore ogolaaday ka dibna balanta ka baxay. Sababa keenay in uu balamaha ka baxo ayaa lagu sheegay Fahad Yasin oo maskaxda ka heysto Farmaajo.