Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa waxa ay gaareen magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, kadib markii ay ka ambabaxeen magaalada Asmara.
Xubnahan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf, Xildhibaano iyo xubno kale.
Masuuliyiintan ayaa inay tagaan magaalada Jabuuti waxa ay ka dambeysay kadib markii kulan wadajir ah ay Asmara ku yeesheen Madaxweynayaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.
Wasiiradan oo qeyb ka ah guddi lagu dhisay Asmara ayaa waxa ay ka qeyb qaadan doonaan sidii loo soo afjari lahaa colaada fog ee u dhaxeysa dalalka Jabuuti iyo Eritrea.
Saddexdan Wasiir ayaa berri waxa ay ka qeyb gali doonaan kulamo ka dhacaya magaalada Jabuuti, kuwaasi looga hadlayo sidii xal waara looga gaari lahaa colaada u dhaxeysa Jabuuti iyo Eritrea.
Madaxda Geeska Afrika qaarkood ayaa wali ku sugan magaalada Asmara, halkaasi oo ay ka socdaan kulamo kala duwan oo looga hadlayo soo afjaridda xiisadda labadda dal ee Eritrea iyo Jabuuti.