Wasiiro iyo Agaasimayaal la magacaabayo iyo kuwo xilkooda weynaya (Xog – Magacyada)

Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ayaa laga soo xigtay in maalmaha soo socdo la isku afgartay in dhowr wasiir xilka laga qaado taasoo looga goleeyahay in lagu qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay qaraxyada isdaba joogga ah ee ay Muqdisho martida u noqotay labadii sano ee la soo dhaafay.

Xogta ayaa sheegeysa in xilalkooda ay weynayaan

  1. Maxamed Abukar Islow (Ducaale) – Wasiirka Amniga
  2. Cabdiraxman Jibriil Xoosh – Wasiirka Dastuurka
  3. Xasan Cali – Wasiirka Gaashaandhigga
  4. Cabdi Maxamed Sabriye – Wasiirka Arrimaha Gudaha

Waxaa sidoo kale la magacaabaya Agaasimaha hay’adda sirdoonka NISA, taasoo ay xogta sheegeyso in loo magacaabayo Gen. Cabdi Ashkir madaxa amniga garoonka Adan Cadde. Waxaa sidoo kale xilkiisa weynaya Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyada Korneyl Maxamed Adan Jimcaale Koofi iyado lagu bedelayo Korneyl Cabdulqaadir Maxamed Nur (Jaamac) oo shaqo ka joojin lagu sameeyay bartamihii bishii 17 bisha July ee sanadkan, isagoo lagu soo eedeeyay in uu lunsaday mushaarkii ciidanka NISA intii uu ahaa kusimaha agaasimaha hay’adda sirdoonka.

Advertisements
Xayeeysiin