Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir oo dhawaan uu xilkii ka qaaday R/wasaare Kheyre ayaa maanta xilka ku wareejiyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna sii hayaha Wasiirka mudane C/Raxmaan Maxamed Jaabiri, iyadoo xil wareejinta ay goobjoog ka ahaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada oo uu horkacayay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Mudane Feysal Cumar Guuleed iyo kusimaha hantidhowraha Qaranka .
Hadaba Wasiirkii xilka wareejiyay oo ugu horeyn hadalka qaatay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhameystiro heshiisyada iyo Barnaamijyada horumarinta ah ee uu waday oo muhiim u ah dadka iyo dalka sida uu sheegay.
mudane C/Raxmaan Maxamed Jaabiri sii hayaha Wasiirka waxbarshada ayaa ka codsaday shaqaalaha Wasaaradda inay la shaqqeeyaan isagoo balanqaaday in wixii shaqo iyo horumarin ah ee socday lasii wadi doono.
26-kii bishan ayay ahayd markii Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheuyre xilka looga qaaday Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan,waxaana xilkaasi sii heynayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri oo maanta xilka la wareegay.