Wasiirkii Saddexaad ayaa xalay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii looga Magacaabay Golaha Waxaa Wasiirada Maamulka Hir-Shabeelle.
Waxaa isbuuc ka yar is casilay ilaa iyo laba wasiir oo ka tirsan maamulka hirshabeelle ee uu hogaamiyo madaxweyne maxamed waare, waxaa goordhow is casilay wasiirkii sadaxaad oo ka tirsan wasiirada maamulkaasi,
kadib 29,kii Bishii la soo dhaafay markii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu Magacaabay ilaa 57 Xubnood oo isugu jira Wasiiro, Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal.
iyada oo laga joogo maalintii sadaxaad magacaabistii uu sameeyay madaxweyne waare ayaa waxaa ay noqtay in uu is casilo Wasiirkii Saddexaad ee Wasiiru dowlihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Cali Cilmi.
War qoraal ah oo uu soo dhigay bogiisa arimaha bulshada ee Facebook ayaa waxa uu is casilaadiisa sabab uga dhigay arrimo Shaqsiyadeed oo isaga u gaar ah.
Sikastaba tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu Magacaabay Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa soo baxayay dhaliilo laga muujinayo habka lagu soo dhigay Golahaasi,
iyada oo Xildhibaaanada badankood ay sheegeen in aysan ansixin doonin golaha uu soo magacaabay madaxweyne maxamed cabdi waare.