Wasiirkii Labaad ee Xukuumada Kheyre oo Isu Sharaxay Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Xukuumadda Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Saalim Caliyow Ibrow oo maanta shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Musharax Saalim Caliyow Ibrow ayaa sheegay inuu qibrad duruqsan u leeyahay xilka uu isku soo sharxay,wuxuuna ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka iney codkooda siiyaan.

Waxaa jira musharaxiin badan oo u hanqal taagaya Xilka Guddoomiyeyaha Golaha Shacabka oo dhawaan uu baneeyay Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo cadaadis xooggan ka dib is casilay.