Ilaahay u raxmadee, waxaa maanta geeriyooday Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibbdaa Soomaaliya Prof, Ismaaciil Hure Suldaan Buubaa. Waxa uu wasiir uu Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ka soo noqday , xili ay adkeyd in ay dad badan u bareeraan u shaqeynta dalkan.
Xisbiga WADDANI ayaa qoraalkaan Soo Saaray:
Hoggaanka Xisbiga WADDANI oo ay ugu horeeyaan musharraxa madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyaga oo ku hadlaya afka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka iyo guud ahaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Hurre Buubaa oo dalka Turkiga ku geeriyooday.
Waxa ay marxuumka ku sifeeyeen shakhsi ka mid ahaa haldoorka iyo odayaasha la qadariyo ee reer Somaliland islamarkaana ahaa siyaasi ruug caddaa ah oo muddadii uu xilalkii kala duwan ee uu ka soo qabtay Somaliland iyo Somalia hayay si hufnaan iyo hawl karnimo leh bulshadiisa ugu soo adeegay.
Hoggaanka Xisbigu waxay Illaahay uga baryayaan Marxuumka in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إِنَّالِلّهِوَإِنَّاإِلَيْهِرَاجِعون
Waaxda Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI