Labo asbuuc ayaa ka soo wareegatay markii RW Rooble isku dabalay labada wasiir ee Gaashaandhiga iyo Cadaalada. Sida caadada ahayd waxa ay ahayd in labada wasiir ay xil wareejin ku sameeyaan Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga laakiin waxaa xilwareejinta lagu sameyeyey Xafiiska RW Rooble.
Ilaa iyo markii la magacaabay Wasiir Gaashandhiga Cabdulkadir Maxamed Nur (Jama) ayaa marnaba tagin Xafiiska Wasiirka ee ku taalo wasaaradda Gaashandhiga, isaga oo sheegay in uu u baqayo naftiisa. Saraiikha ciidanka ayan waxa kalsooni ah ku qabin Wasir Jama.
Sida ilo ku dhaw wasiirka u sheegeen MOL, qaar kamida saraakiisha ciidanka ayaa ugu digay Wasiir Cabdulqadir in uu iska soo xaadirayo wasaaraadda Gaashandhiga. Wasiirka oo ka qabayo in uu xafiiska tago ayaa waxa uu habeen iyo maalin ku meeraysanayaa xafiiska Ra’iisal Wasaaraha isaga oo aan wax war u ahayn wasaaradii loo magacaabay.
Waxa ay u muuqataa in Wasiir Jama uu maray wadadii uu marayay Sareeye Gaas Bashir Goobe oo tagi waayay xarunta NISA markii la magacaabay taliyaha NISA.