Wasiirka Maaliyadda JFS Cabdiraxman Beyle iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe aya si wadajir ah u sheegay in qandaraaskii shirkadaha kalluumeysida shiinaha lala galay uu aha mid la musuqmaasuqay, iyagoo eedda dusha ka saaray Wasiirka Kalluumeysiga, Wasiirka Qorsheynta iyo marwadiisa.
Baaritaan socday muddo ka badan sanad & bar aya lagu sheegay in macluumaadkii laga uruuriyay baaritaanka loo gudbiyay xeer ilaaliyaha guud iyadoo lagu wado in dacwad lagu soo oogo Wasiirka Qorsheyta iyo Wasiirka Kalluumeysiga sida ay MOL u sheegeen ilo wareedyo ka tirsan xafiiska RW Kheyre.
Kiiskan aya noqonaayo midkii ugu horreeyay ee kooxda Villa Somalia ay musuqmaasuq dhexdooda ah baaritaan ku sameeyaan isla markaana sharciga la horkeeno shaqsiyaad xilal waaweyn ka haya xukuumadda RW Kheyre.
Dhinaca kale MOL oo la hadashay siyaasiyiin si gaar ah ula socday kiiskan aya sheegay in kiiskan uu yahay mid ay si wadajir ah uga shaqeeyeen RW kheyre, Beyle iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ujeedka ugu weyn oo laga leeyahayna ay tahay laba sida ay hadalka u dhigeen
- In RW Kheyre uu caalamka tuso in daacad ka yahay lana dagaalamayo musuqa.
- In RW Kheyre uu kiiskan ku hoos wado arrimo siyaasadeed oo la xiriira u diyaar garowga ololihiisa doorashada, taasoo uu tusaale ka dhiganayo saaxiibada aadka ugu dhow MW Farmaajo in uuu sharciga la tiigsan doono ciddii isku dayda in ay carqaladeyso ololahiisa doorashada.
- In uu rabo in MW Farmaajo saaxabadiis ay soo galaan ololihiisa si aan baryo ahayn.
RW kheyre ayaa xiriir hoose waxaa uu la yeeshay beesha dir si ay qeyb weyn uga qaataan ololihiisa doorashada isagoo sheegay in uu isaga ku abaal mariyay Guddoomiyaha Maxkamadda, Gud. Bangiga Dhexe iyo Safiiro dhowr ah oo loo magacaabay beesha dir.
Kiiskan aya lagu wadaa in dhawaan la horgeeyo xeer ilaaliyaha kaasoo qaban doona shir jaraa’id.
Halkan ka akhriso heshiiska lala galay shirkadaha Shiinaha (Halkan Riix)