Wasiirka Qorsheynta JFS Jamal Maxamed Xasan aya xalay ka dagay magaalada Dooxa ee dalka Qatar si uu u soo saxiixo heshiiskii Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ee dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar.
Heshiiskan oo ku dhawaaday in gebi ahaanba ay joojiyaan dowladda Qatar ayaa ugu danbeyntii waxaa la isku afgartay in qandaraaska la siiyo shirkad laga leeyahay dalka Qatar oo ay hore laaluush gaaraya $5 Milyan uga qaateen Wasiirka Qorsheynta Jamaal iyo Fahad Yaasiin.
Shirkadda Qatar ayaa iyana waxa ay qandaraas kusii siisay dhismaha wadada isku xiri doonta Muqdisho iyo Jowhar shirkaddii Turkida aheyd ee ku guuleysatay loolanka loo galay qandaraaskaas balse uu ka xayiray Wasiir Jamaal maadaama uu ka qaatay laaluush shirkaddii laga lahaa dalka Qatar
Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga maadaama laga qaaday shirkaddii Turkida ee markii hore ku guuleysatay qandaraaska loo galay dhismaha wadada Jowhar iyo Muqdisho. Iyadoo uu daba dheeraaday isqabqabsigaas aya waxaa tanaasul sameeyay dowladda Turkiga in ay qandaraaska qaadato shirkadda laga leeyahay dalka Qatar.
Heshiiskaas oo lagu wado in la saxiixo maalinta Axadda ah sida ay noo xaqiijiyeen ila wareedyo ka tirsan labada dhinac ee xafiiska RW Kheyre iyo Xafiiska Madaxweynaha JFS. Warkaan oo aay MOL hore idiinkugu soo tebisay dhammaadkii bishii sagaalaad ee sanadkan 2018 (Halkan ka akhriso)
Wasiirka Qorsheynta aya lagu wadaa in uu maalinta Isniinta ah ku saxiixo heshiiska dhismaha wadada Jowhar iyo Muqdisho magaalada Dooxa ee dalka Qatar, mashuuraan oo ay ku bixi doonto adduun dhan $300 oo Milyan oo doollar.