Wasiirka Qorsheeynta  Jamaal oo Garoowe u tagay Hanashada Kursigii uu ka Iibsaday Ex-Xildhibaan Dhahar—SAWIRO)

Reading Time: < 1 minute

Dhawaan waxaan idiinsoo Baahinay Qormooyin dhowr ah kuwaasi oo aan uga warameeynay Xildhibaan Dhahar oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka oo Kursigiisa Baarlamaanka Ka iibsaday Wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan.

Iyadoo ay sidaasi jirto ayaa waxaa maanta Magaalada Garoowe Gaaray Wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan ,si uu u hanto kursigaasi uu iibsaday.

Dad lasoo abaabulay ayaa garoonka Diyaaraha ee Garoowe kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan iyo xubnahii la Socday.

Waxaana Shaki ku jirin in Kursigaasi uu kusoo Guuleeysanaayo Jamaal waxaana la tartamaayo shaqsi Maxlal u ah kaasi oo dhankiisa ka Socdo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!