Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka Maaliyadda oo ku qoran afka Ingiriiska ayuu wasiirka ku sheegay in uu soo dhaweynaayo go’aankii uu Guddoonka Baarlabaanka ku laalay warbixintii ay soo diyaariyeen guddiga Maaliyadda ee Baarlabaanka kuna caddeeyeen in wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoonka Gobolka Banaadir ay lunsadeen lacag dhan $42 Milyan o doollar.
Warqadda oo uu wasiirka kula hadlaayay deeq bixiyaasha iyo wadamada beesha caalamka ee welwelka badan ka qaba musuqa baahay ee wasiirka maaliyadda iyo guddoonka gobolka Banaadir.
Guddoomiye KX Baarlabaanka JFS Mudane Mahad Cawad iyo RW Kheyre aya si bareer ah ugu tagri falaayo sharciga iyo dastuurka dalka, waxayna xalaaleysteen boobka hantida ummadda, waxaana nasiib darro ah in Guddoonka Baarlabaanka uu qeyb ka noqdo musuqa la rabay in uu kula xisaabtamo xukuumadda.
Lama oga go’aanka ay qaadan doonaan xildhibaanada labada aqal iyo guddiga Maaliyadda oo la isku dayayo in gebi ahaanba lakala diro si ay halkaa uga baxdo isla xisaabtan dhab ah.
RW Kheyre aya maanta lagu eedeeyay in uu u xuubsiibtay sidii uu u caburin lahaa saxaafadda xorta ah, waxaana arrinta ka dhiidhiyay madaxda saxaafadda madaxa bannaan oo maanta qabtay shir jaraa’id.
Waxaa sidoo kale GX Baarlabaanka uu maanta soo saaray warqad maxkameed uu isku dayay in uu ku handado Muqdisho Online iyo shaqaalaheeda, waxaanan u sheegeynaa ummadda Soomaaliyeed ee aan u shaqeyno in aanan u joojineynin in aan idiin soo tebino runta anagoo mar walba la dagaalameyno musuqa iyo wax isdaba marinta ay caadeysteen madaxda dalka