Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacbiga waxay si cad u sheegeen inay dawladdu baalmartay habraaca miisaaniyadda, tan oo keeneysa inay dawladdu si xun ugu takrifashay miisaaniyada taas oo kordhisayna musuqmaasuqa uu dalka lugaha la sii galayo.
Guddiga oo xisaabaha ka soo dharaandhiriyey warbixinta xogtii ay ka heleen hay’adaha Maaliyadda una eegeen miisaaniyadda iyo habraaceeda ayaa waxaa u soo baxday in lagu tuntay.
Hasa yeeshee Wasiir Cabdiraxman Beyle ayaa si cad sharciga u baal maray kadib markii uu guddiga ku tilmaamay in waxan ay soo qorqorteen ay yihiin been la dhoodhoobay. Wasiirka waxaa uu guddiga oo ay shaqadooda tahay korjoogteyn iyo ilaalinta habraaca miisaaniyadda ay golaha shacbiga ansixiyeen ugu gafay wareysi uu siiyey Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA Somali. Wasiirka oo u muuqday qof la yaaban shaqada ay qabanayaan guddigaan ayaa ku eedeeyey inaysan waxba ka warsan isaga ee ay iska soo qorteen tirada Meesha ka muuqata.
Runtii wax lala yaabo inuu Wasaaradda Maaliyadda oo iyadu iska leh lambarada wax lagu saleeyey soona gudbisay inuu wasiirkeedu yiraahdo kama warqabo, waxayna mauujineysaa heerka ay taagan tahay masuuliyadda wasiirka.
Sido kale waxaa uu sheegay in aan lugaha la isku dhagin oo qofka wixii uu qabtay loo aqoonsado, taas oo ahayd I amaanan, balsa isaga yaa u banneeyey inuu maalin waliba been ka sheego hannaanka maaliayadeed ee dalka oo uu inkiro hawlo badan oo la soo qabtay sida kororka Miisaaniyada, Canshuuraha, iyo Dakhliguba ay soo bilowdeen 2013? Yaa bilaabay beenta ah “Waa markii ugu horreysay”? Wasiirka isaga ha isa saxo hana fahmo qaladka uu dad kale u eedeynayo iyo meel ka dhaca uu ku sameynayo dawladihii hore ee dalka soo maray oo dhidibada u taagtay hannaanka maaliyeed oo uu maanta sheganayo.
Gudiga lama iman xisaab cusub ee wixii ay hay’adaha maaliyadda u gudbiyeen ayey ku eegeen miisaanka sharciga maaliyadda iyo miisaanka xisaabaadka dalka, waxayna dadka soo hordhigeen wixii u soo baxay oo ah ceebtan soo socota:
- Wasiirka Maaliydda ayaa hareermaray Qoondadii Miisaaniyadda ee Barlamnak u ansixiyey 2017, si uu u abuuro qas iyo jahawareer uu uga hortagayo la xisaabtan, misaaniyaaddana dalkana ay uxermi weydo waana dhacday.
- Bixinta Kharshyada Hawlfulinta Xafiisyada Dawladda oo uu soo koobay Madaxtooyada, Xafiiska R/Wasaaraha iyo Kan Wasiirka Maaliyadda, tanna waxay dhashay in dhammaan hay’adaha kale ee dawladda ay curyaamaan , isagana uu lacagtoodii u isticmaalay sidii uu rabay.
- Waxaa la lunsaday lacago xoog iyo xeelad looga soo qaaday Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay. Waana Musuqmaasuq cad oo ay dawladdu ku kacday una baahan in wax laga qabto. Waayo wuxuu Beyle amray in qaaraan ahaan loo siiyo hay’ad leh Miisaaniyad (Xarunta Warbixinta Maaliyadeed ama Financial Reporting Centre (FRC
- Waxaa muuqata in Wasiirka Maaliyadda uu ku kacay iska hor imaad maslaxadeed (conflict of interest) maadaama uu amray in qaraan la siiyo xaruunta (FRC) oo waajibaadkeedu yahay in ay korjoogtayso xawaaladaha iyo bangiyada gaarka loo leeyahay si looga hortago lacagaha fal danbiyeedyada ku xusan sharciga ka hor tagida lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada (AML/CTF). Waana arrin u baahan in la baaro sababta.
- $20 milyan oo ka soo hartay lacagtii $50 milyan ee Sacuudiga bixiyey oo aan la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigtay. Lacagtaas ma waxaa loo isticmaalay rididda maamul goboleedyada, misa waa tii Jawaari lagu riday? Misa waa tii K/Glbeed iyo shriif Xasan lagu sagootiyey.
Isku soo duub wasiirka maaliyadda waxaa cad inuu yahay shakhsi musuqmaasuq badan sameeya laakiin afka tirtirta waana inuu baxaa. Sidoo kale waxaa jira xog ah in hadda la dhaqqajin doono sharciga lacagaha lagu dhaqo ee (AML/CTF), wasiirkana uu yahay shakhsiga ugu horreeya ee ay barista ka bilaaban doonta.