Wasiirka Maaliyada JFS Beylo oo guri lix dabaq ah ka dhisanayo magaalada Hargeysa (Sawiro)

Reading Time: < 1 minute

Caasimada Online ayaa ogaatay in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu guri wayn ka dhisanayo magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland.

Gurigaan oo ka kooban dhismo wayn oo dabaq ah ayaa dhismihiisa wali waxa uu ka socdaa Xaafadda Jig Jiga yar ee magaalada Hargeysa waxa uuna sidoo kale gurigaan oo dhismihiisa wali socda ka kooban dhowr dabaq sida ay muujinayaan sawirada laga soo qaaday dhismaha guriga, oo ay heshay Caasimada Online.

Wasiir Beyle oo had & jeer ku cadaadiya in ganacsatada Gobolka Banaadir ay kordhiyaan canshuurta ay siiyaan dowladda federaalka, isagoo dhowr jeer ugu goodiyay in sharciga lala tiigsan doono ganacsigoodana lagala wareegi doona haddii aanay bixin canshuurta.

Wasiir Beyla aya lacag malaayiin doollar ah ku dhisanaya guryo dabaqyo ah magaalada Hargeysa, iyadoo dowladda aanay bixin mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda mudoo ka badan afar bilood.