R/wasaaraha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Xassan Cali Kheeyre waxaa uu ku fashil-may in uu xakameeyo Golaha Wasiiradda islamarkaana ay shaqadu u socoto si Habsami ah leh,waxeeyna taasi Noqotay mid cuuryaamisay dhamaan Howlaha Dowladda.
Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Beeyle oo ka mid ahaa Wasiiradii ugu horeeyay oo ay is qabteen R/wasaare Xassan Cali Kheeyre ayaa Warar hoose oo ay heshay Muqdisho Online waxaa ay sheegayaan in uu hadda qorsheeynaayo in uu Xilkaasi iskaga tago.
Sababaha ugu Badan Ee Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Beeyle uu xilka ugga Tagaayo ayaa waxaa ay tahay Faragalin uu ku haayo xassan cali kheeyre iyo Maamul Xummo uu ka tabanaayo Xafiiska R/wasaaraha.
Sidoo kale xogtu waxaa ay intaasi kusii dareeysaa in ay isku qabteen mar kale xassan cali kheeyre Lacago aad u fara-badan oo lagala baxay Bank-ga dhexe.
Haddii uu iscasilo Wasiir beeyle ayaa waxaa ay la micno tahay in ay burburtay xukumadda hadda jirta waxaana Madaxweyne Farmaajo looga fadhiyaa in uu soo Magacaabo Wasiirka Koowaad