Wasiirka maalgashiga Somaliland Marwo Aamina Cilmi Fariid ayaa madaxweyne Biixi u gudbisay warqadeeda iscasilaada. Madaxweyne Muse Biixi ayaa la sheegay inuu warqada iscasilaada ka aqbalay Wasiir Aamina Fariid.
Marwo Aamina Fariid ayaa xilkan wasiir-nimo iskaga casishey sidii ay u buuxin laheyd kursi Xildhibaan-nimo oo ka banaanatey Golaha wakiilada Somaliland .