Wasiirka Ka Tirsan Maamulka Galmudug oo xoog ku galay Madaxtooyadda Cadaado iyo Dagaal laga Cabsi qabo!!

Reading Time: < 1 minute

Wararkii ugu dambeeyay oon ka helnay magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xaalada magaaladaasi ay tahay xiligan mid dagan oo wax dhibaato ah aysan ka jirin.

Fiidkii   Xalay ayaa lagu soo waramay Ciidamo hubeesan uu watay Wasiirka Maaliyada Maamulka Galmudug Saciid Siyaad Shirwac in ay xoog ku galeen xarunta Madaxtooyada, waxaana halkaasi ka dhashay xiisad markii dambe la xaliyay.

Waxgaradka magaalada Cadaado ayaa la sheegay in ay kala dhax galeen ciidamada uu watay Wasiirka iyo Ciidamada maamulka degmada , waxgaradka ayaana ku guuleestay in ay ka hortagaan in ay isku dhacaan labada ciidan.

Xiisada ayaa  laga dareemay magaalada Cadaado ayaa timid kadib markii Wasiirka Maaliyada Galmudug oo taageero ka heesta Madaxweyne Xaaf uu xirtay xarunta Madaxtooyada sidoo kale caawa xoog ku galeen ciidamo ka amar qaata.

Magaalada Cadaado oo kamid ah magaalooyinka ugu nabdoon ee Soomaaliya ayaa xiligan waxa ay xarun u tahay Baarlamaanka maamulka Galmudug, waxaana xaruntaasi ku shaqeeya Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hada khilaaf kala dhaxeeyo Madaxweynaha Galmudug.