Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Khaliif Cabdi Cumar ayaa soo saaray qoraal uu shaqada uga joojinayo MaareeyihaiiGuud ee Hey’adda Taya-dhowrka Aadan Xasan Barre.
Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay hay’adda Tayo-dhowrka hoos timaado Wasaaradda Ganacsiga, wuxuuna ku eedeeyay agaasimaha uu xilka ka qaaday Wada-shaqeyn la’aant iyo inuu curyaamiyey habsami u socodka waajibaadkiisa.
Wuxuu kaloo ku eedeeyay in Maareeyaha Guud ee Hay’adda uusan kala garan karin ama uu si ula kac ah isaga indha-tirayo hannaanka kala sarreynta shaqada taasoo gundhig u ah dhamaan howlaha la qabanaayo.
Iyo inuu Maareeyaha Guud uu iska dhega-tiray talooyin badan oo horey loogu soo jeediyay, sidaasina uu xilka uga qaaday maanta 10/01/2022 iyo inuu ku howlgalo xilka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
Wasiirka Ganacsiga wuxuu Maareeye ku xigeenku uu si ku meel gaar ah usii hayo xilka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayadhowrka Soomaaliyeed.
Arrintan ayaa ka danbeysay heshiis uu Wasiirka Ganacsiga la gelayo shirkad qaban doonta Howlaha tayo-dhowrka, taasoo khilaaf ka dhashay uu keenay xil ka qaadistan.