Wasiirka Ganacsiga oo Baarlamaanka lagu hor-dhaariyay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho goordhow ka furmay kulankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana Kulanka uu Maanta ku furmay oo goobjoog ka ah 143 Mudane.

Kulanka ayaa waxaa Maanta shir guddoominaya kusimaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey),waxana ajandaha uu yahay  Akhrinta 1aad  ee Hindise Sharciyeedka jaangooynta iyo tayadhawrka Soomaaliyeed iyo sidoo kale  ka doodista xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee Sanada 2017.

Furitaanka kulanka guud ee Golaha Shacbaka ,kadib ayaa waxaa Goordhow la dhaariyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Cali Xasan,kas oo uu dhawaan Magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Goordhow waxaa sidoo kale bilaawday ka doodista Ajanayaasha kulanka 14aad ee Golaha Shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.