Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shaqo joojin ku sameeyay Maareeyaha guud ee Hay’adda Tavo-Dhawrka Soomaaliveed Cali Yaasin Gurbe.
Wasiirka ayaa dekereeto uu soo saaray waxa uu ku cadeeyay sababta Cali Yasin shaqada loo ceyriyay. Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay Cali Yasin uu lunsaday lacag ka dib markii saxiix aanu wasiirku gudbin lagu soo saarey lacag badan hay’adda si musugmaasuq ahna loo isticmaalay lacagtaas iyo qodobo kale oo dhaawacay karaamada iyo magaca hay’adda.
Cali Yasin ayaa ahaa shaqsi aan markiisii horana u qalmin, aqoona u lahaynin in loo dhiibo mas’uuliyad saameyneysa nolosha 18 Malyan oo Soomaali. Cali Yasin ayaa markiisii hore Shaqo geyntiisa waxaa ka danbeeyay Xildhibaan Saabir iyo Wasiir Abshir Bukaari.
Waxaana shaki ku jirin in labadaa mas’uul ay isku dayi doonaan in ay ninkaa shaqada dib ugu soo celinyaan si uu u fududeeyo danahooda gaarka ah.
Sida ay MOL u xaqiijiyeen ilo howlwadeeno ka shaqeeya ha’yadda Mudadii Cali Yasin joogay Hay’adda waxa uu shaqaaleeysiisya 48 qof oo qaar kamida aan u soo xaadirin shaqo ama aan soo marin qaabka dadka shaqada loo siiyo. In ka badan dadkaas maba joogaan dalka gudihiisa.