Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Soomaaliya oo ka digay in caruurta la askareeyo

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka wasaaradda Gaashandhiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa sheegay in Xukuumada gaar ahaan wasaarada Gaashaandhiga ay xooga saareyso ka hortaga caruurta la askareeyo.

Wasiir Amar dambe ayaa sheegay in askareynta caruurta ay tahay dambi heer caalami ah wasaaradiisana aynan aqbali doonin oo ay sharciga la tiigsan doonaan cidii lagu helo in ay askareeyeen caruur.

“Maanta waa maalin muhiim ah maadama ay tahay maalinta xuska caruurta adduunka waxaan rabaa in aan kaga faa’iideysto in aan sii xoojiyo sharciga dowladda federaalka Soomaaliya iyo midka caalamiga ah ee Qaramada Midoobe kaga yaalla askareynta caruurta” ayuu yiri wasiirka wasaaradda Gaashandhiga xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe).

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in wax sidaas usii weyn aynan ka qaban askareynta caruurta balse hada wax ay u muuqataa in ay xooga saarayaan sidii ay wax kaga qaban lahaayeen arrintaani.