Wasiirka Dhalinyaradda Iyo Spors-ka oo Sheegtay in Garoonka Stadium Muqdisho Dib u Dayac-tir lagu Sameeynaayo!!

Reading Time: < 1 minute

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha  Xukuumadda Soomaaliya  oo Shir Jaraa’id ku qabatay Magalada Muqdisho ayaa wax ay ka hadashay kala wareegitaanka Ciidanka AMISOM ee Garoonka Stadium Muqdisho iyo qaabka loo isticmaali doono

Wasiirka ayaa Waxa ay sheegtay in Ciidamada AMISOM ay qalabkoodii kala baxeen Garoonka,isla markaana lagu wareejiyey ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaasi oo xaqiiin doono Amnigga Garoonka

Khadiijo Maxamed Diiriye Sidoo kale wax ay sharaxaad ka bixisay waxa laga yeelayo Garoonka maadaama mudadii dalka dowlad la’aanta uu ahaa uu burbursanaa guureen Stadium Muqdisho

Garoonka Stadium Muqdisho ayaa waxaa uu Muhiim u yahay Bahda Ciyaaraha Waxaana uu leeyahay Goobo lagu qaban karo,Ciyaaraha kala Duwan