Wasiirka Dekadaha Puntland”Goanka Golaha Shacabka Waxa uu Saameynaya Somaliland ee Puntland Ma Saameynayo”

Reading Time: < 1 minute

Xili Todobadkan ay Baarlamaanka Soomaaliya ay meel mariyeen xeer ay dalka uga mamnuuceen shirkadda DPWorld ee imaaraadka oo ka howlgasha dekado ku yaala dalka aya waxaa ka jawaabay maamulka Puntland.

Wasiirka dekadaha maamulka Puntland Siciid Maxamed Raage oo kamid ah Wafdi Ka socday Puntland oo shalay Galinkii dambe U Dhoofay Imaaraadka Ayaa Sheegay inuu Xeerkaasi saameynayo oo kali ah Soomaaliland, oo heshiiska kula jirta shirkadda DPWorld balse Puntland ay heshiiska dekadda Boosaaso kula jirto shirkadda P&O oo sidoo kale Imaaraadka laga leeyahay.

Siciid Maxamed Raage oo ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada Shirkadda Maamusha Dekeda Boosaaso ee P&O.